Blockchain & Caafimaadka – professional collaboration
Blockchain & Health

Blockchain & Caafimaadka (Health Records)

  • 18 August, 2025
  • 1.5K View

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaaliya ka jira waa nidaamka caafimaadka oo aan lahayn hufnaan iyo keyd xog oo rasmi ah. Faylasha caafimaadka bukaanka mararka qaar waa la waayaa, been ayaa lagu daraa, ama si fudud ayaa loo beddelaa. Waxaa kale oo dhacda in qofku u baahdo daryeel caafimaad oo uu u safro gobol kale ama waddan kale, balse aan si fudud loo helin taariikhdiisii caafimaad, taas oo adkaynaysa daaweyntiisa.

Halkan ayaa ay muhiim u noqoneysaa in la adeegsado blockchain. Waa nidaam xog lagu kaydiyo oo aan la beddeli karin, si hufan loogu arki karo, isla markaana aan cid keliya u adeegsan karin awood gaar ah. Marka diiwaanka caafimaad lagu kaydiyo blockchain, xogtu waxay noqotaa mid la isku halleyn karo oo si cad loo xaqiijin karo.

Faa’iidooyinka Blockchain ee caafimaadka

  • 1. Ammaan iyo hufnaan – Faylasha caafimaadka lama tirtiri karo, lama beeneyn karo, qof kastana wuu hubin karaa sax ahaanshahooda iyadoo loo marayo nidaam leh raad-raac cad (audit trail).
  • 2. Xog u fudud dhakhaatiirta – Dhakhtar kasta oo dalka ama dibadda jooga wuxuu si fudud uga heli karaa taariikhda caafimaad ee bukaanka, taasoo ka caawinaysa inuu go’aan degdeg ah oo sax ah gaaro, halkii baaritaanno laga bilaabi lahaa eber mar kasta.
  • 3. Xaqa bukaanka – Bukaanku isagaa leh xuquuqda xogtiisa. Isaga ayaa oggolaan kara cidda arki karta iyo cidda aan arki karin, taas oo sare u qaadaysa kalsoonida iyo asturnaanta (privacy).
  • 4. Yaraynta khaladaadka caafimaad – Marka xogta caafimaadka si sax ah oo joogto ah loo hayo, waxaa yaraada khaladaadka daawooyinka, baaritaanada isku celceliska ah, iyo isfaham la’aanta u dhexeysa dhakhaatiirta kala duwan.

Tusaale ahaan, qof qaba xanuun joogto ah haddii uu u safro Nairobi ama Turkey, dhakhaatiirta halkaas joogta waxay si nabadgelyo leh uga heli karaan blockchain taariikhdiisa caafimaad. Taas macnaheedu waa in aan loo baahnayn in mar kasta baaritaanno cusub laga bilaabo, balse lagu dhisi karo xog already la hubo oo sax ah.

Haddii Soomaaliya ay hirgeliso nidaam caafimaad oo ku dhisan blockchain, waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo lagu xaqiijinayo hufnaanta, kalsoonida, iyo badbaadada bukaanka. Waxaa meesha ka bixi kara khilaafaad badan iyo khaladaad dhanka xogta ah oo maanta dhibaato weyn ku haya adeegyada caafimaadka, iyadoo isla markaas la dhisayo nidaam casri ah oo mustaqbal u samaynaya jiilalka dambe.

Maxaa xiga?

Tignoolajiyada kaliya ma xaliso caqabadaha, balse waxay dhistaa saldhig lagu kalsoonaan karo. Blockchain wuxuu siin karaa Wasaaradda Caafimaadka, isbitaallada, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay hab ay si wadajir ah ugu maamulaan xogta caafimaadka iyagoo ilaalinaya xuquuqda bukaanka. Goobo Labs wuxuu aaminsan yahay in mustaqbalka caafimaadka Soomaaliya uu ku xirnaan doono isku darka nidaamkan iyo siyaasado iyo tababarro sax ah.