
Somaliya marka la joogo, waxa ugu badan ee lagu murmo waa dhulka. Waxaa dhici karta inaad rabto inaad dhul iibsato, laakiin lagaa iibiyo mid dowlad leedahay ama mid dad kale leeyihiin. Waxa kale oo dhici karta in hal dhul dad badan laga iibiyo. Dhibaatooyinkan waxaa lagu xalin karaa blockchain.
Blockchain waxa uu leeyahay qeyb gaar ah oo loo yaqaan NFT (Non-Fungible Token). NFT waa nooc ka mid ah hantida digital-ka ah oo gaar ah, aan la isku beddeli karin, waxaana loo isticmaalaa caddeynta lahaanshaha iyo xaqa hantida. Dhulka waxa lagu kaydin karaa nidaamkaas, taas oo meesha ka saaraysa khilaafaadka ku saabsan lahaanshaha dhulka. Mar dambe ma dhici doonto in dhul aad leedahay lagaa dhaco, ama lagaa iibiyo mid aan sax ahayn.
Blockchain waxa uu leeyahay usecases badan oo xal waara u ah dhibaatooyinka dalka ka jira. Dhulka iyo hantida oo muhiim ah, gaar ahaan dalka oo real estate-ka ku soo badanayo, waxay u baahan yihiin nidaam hufan oo lagu kalsoonaan karo sida blockchain.