Nidaamka Codeynta Dalka & Blockchain
Blockchain & Governance

Nidaamka Codeynta Dalka & Blockchain

  • 5 June, 2025
  • 1.5K View

Nidaamka dalka wax lagu codeeyo ee hadda lagu sameeyo nidaam web 2 ama centralized ah waxa lagu eedeeyaa inuu musuq ku jiro. Tusaale ahaan, dhowaan doorasho ka dhacday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in nidaam cod ku shubasho lagu sameeyay. Mar walba waxaa lagu andacoodaa in codeynta lagu qabto nidaam qabiileysan oo aan caddaalad ahayn, waana dhibaato dalka ka jirta.

Waxaa muhiim ah in qof walba lagu qanciyo, laguna gaaro nidaam madax-bannaan oo aan musuq iyo qabyaalad lahayn. Halkan waxa ugu habboon in la adeegsan karo nidaamka Web3 iyo Blockchain oo ah habka ugu fiican ee lagu xalin karo arrinta codeynta.

Blockchain waa nidaam aan cid gaar ah maamulin (decentralised), waxa uu ka kooban yahay qaybo (nodes) isku xiran oo meelo kala duwan ku yaalla. Sidaas awgeed, ma ahan nidaam dhexe (centralised) sida web 2, oo cid keliya gacanta ku heyso kuna shaqeeya database.

Web3 waxa uu yahay nidaam ama website ku shaqeeya Blockchain, isagoo ah nidaam decentralised ah. Haddii la rabo in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo digital ah, xal waara waxa uu noqon karaa Blockchain. Waxay meesha ka saaraysaa musuq iyo qabyaalad, waana nidaam hufan oo la arki karo wax walba, iyadoo aan cid gaar ah si gooni ah u maamulin.