
Goobo Labs, gaar ahaan qaybta Blockchain-ka, waxay soo gabagabeysay experiment muddo socday oo ku saabsan dhismaha Layer-1 ee blockchain. Muddo aan si qoto dheer uga shaqeynaynay cilmi-baaris, naqshadeyn, iyo tijaabooyin kala duwan ka dib, maanta waxaan soo bandhigeynaa mashruucii aan horumarinaynay oo lagu magacaabo Hanticoin.
Fikradda Hanticoin waxay ka timid baahi dhab ah oo ka jirta nidaamyada lacagta dhijitaalka ah ee maanta la adeegsado. Inta badan nidaamyada jira waa kuwo meel dhexe laga maamulo oo aan si buuxda loo hubin karin cadadka lacagta ku jirta ama sida loo maamulo. Isticmaaluhu ma awoodo inuu si madax-bannaan u xaqiijiyo sahayda guud iyo hufnaanta nidaamka. Taasi waxay kalsoonida ka dhigeysaa mid ku tiirsan hay’ad gaar ah.
Blockchain markii ugu horreysay waxaa dunida kusoo kordhisay Bitcoin, taas oo muujisay in la abuuri karo nidaam lacag dhijitaal ah oo leh xeerar cad, sahay go’an, iyo daahfurnaan buuxda. Mabda’aas aasaasiga ah ayaa noqday dhiirrigelinta Hanticoin.
Hanticoin waa Layer-1 blockchain madax-bannaan oo si gaar ah loogu dhisay lacag-bixin degdeg ah oo kharash yar leh. Ma aha madal guud oo smart contracts lagu dhiso, balse waa nidaam si gaar ah loogu habeeyey wareejinta qiimaha. Sahayda Hanticoin waa mid go’an oo dhan 21,000,000,000 HTC, lehna lix jajab tobanle. Xilliga block- kasta (block time) waa 3 ilaa 5 ilbiriqsi, waxaana uu ku shaqeeyaa habka Proof-of-Stake oo ku dhisan validator staking.
Muddo aan ku hawllannay horumarinta, waxaan diiradda saarnay dhismaha nidaamka asaasiga ah ee blockchain-ka, naqshadeynta habka heshiiska (consensus model) ee ku habboon lacag-bixinta, iyo tijaabooyin dhinacyo badan leh si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga shabakadda. Ujeedadu waxay ahayd in la abuuro nidaam leh dib-u-dhac hoose, lacag yar, iyo degdegsiinyo ku habboon isticmaalka maalinlaha ah.
Repo-ga mashruuca: https://github.com/goobolabs/hanticoin
Warqadda cad (whitepaper) ee mashruuca, oo sharxaysa aragtida, qaabka dhaqaale, iyo mabda’a nidaamka, waxad ka heli kartaa: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/WHITEPAPER.md
Qaab-dhismeedka farsamo ee blockchain-ka (architecture) waxaa si faahfaahsan ugu sharaxnay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/ARCHITECTURE.md
Sidoo kale, qaabka heshiiska iyo sida ansixiyayaashu u shaqeeyaan waxaan ku faahfaahinay: https://github.com/goobolabs/hanticoin/blob/main/docs/CONSENSUS_MODEL.md
Waxa ay Hanticoin kaga duwan tahay nidaamyada leh maamul dhexe waa in xeerarka lacagta uu maamulo nidaamka laftiisa (protocol). Sahayda lama kordhin karo, diiwaanka xisaabaadka waa mid la hubin karo, waxaana jira nidaam ansixiyayaal ah oo hubiya in xogta si sax ah loo ansixiyo. Tani waxay yaraynaysaa khatarta ka timaadda nidaam ku tiirsan hal xarun ama hay’ad gaar ah.
Waxaa muhiim ah in la caddeeyo in Hanticoin uu weli yahay mashruuc experiment ah. Waa tijaabo farsamo oo muujinaysa in la dhisi karo nidaam baahsan (decentralised) oo loogu talagalay lacag-bixin gudaha Soomaaliya. Ma aha nidaam si buuxda ganacsi ahaan loo hirgeliyey weli, balse waa saldhig adag oo lagu dhisi karo mustaqbalka.
Ka Goobo Labs, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno cid kasta oo aaminsan in fikraddan la xaqiijin karo, lagana dhigi karo nidaam dhab ah oo Soomaaliya ka hirgala. Haddii la helo iskaashi sax ah iyo wada-shaqeyn dhab ah, waxaa suurtagal ah in la abuuro nidaam lacag-bixineed oo baahsan, kaasoo si amni leh iyo daahfurnaan ah uga shaqeeya gudaha dalka.
Hanticoin ma aha oo kaliya lacag cusub. Waa isku day lagu dhisayo nidaam lacag-bixineed oo ku dhisan xeerar cad, amni adag, iyo kalsooni ku saleysan teknoolajiyad la hubin karo. Waxaan u aragnaa tani inay tahay bilow, waxaana rajeyneynaa in wadajir looga shaqeyn karo si aragtidan loo gaarsiiyo heerka xiga.