Blockchain & Lacagta Digital
Blockchain

Blockchain & Lacagta Digital

  • 7 June, 2025
  • 1.5K View

Bilowga Blockchain waxa uu ku bilaabmay lacagta digital ah ee loo yaqaan Bitcoin. Bitcoin waxa uu yahay nidaam lacag digital ah oo madax bannaan kuna shaqeeya habka Blockchain. Waa bilowgii Blockchain technology oo dhan. In lacag ahaan loo adeegsado Blockchain waa mid kamid ah adeegsiga ugu muhiimsan, maadaama uu xakameynayo sicir-bararka iyo kalsoonida lacagta, taas oo markii hore loogu talagalay in lagu xaliyo.

Hadda, dalka waxaa ka jira nidaamyo lacag digital ah oo centralized ah, kuwaas oo aan caddayn karin cadadka lacagta (supply), sidoo kalena aan la hubin in lacagta digital-ka ah ay leedahay lacag u dhiganta oo xaanshi ah (dollar). Haddii lacag xaanshi ah aan la hayn, lacagta digital-ka ahi ma yeelan karto qiime dhab ah,

Xalka arrinkan waxaa lagu gaari karaa Blockchain oo abuuri kara nidaam lacag oo amni ah, cadadka lacagta cad yahay, isla markaana leh dhiganta lacag xaanshi ah. Waxaan ka shaqeynayaa mashruuc la yiraahdo Hanticoin. Waa nidaam lacag decentralised ah sida Bitcoin, oo leh supply dhan 1M, security adag, iyo decentralisation buuxda. Haddii loo baahdo mustaqbalka, qorshihiisa ka ganacsi ahaan waala bedeli karaa.

Waxaan aaminsanahay in Blockchain uu xal u yahay caqabadaha badan ee dalka ka jira, laakiin dowladda iyo ganacsatada diyaar uma aha, gaar ahaan dhanka lacagta digital-ka ah.

Sideed u aragtaa nidaamyada hadda dalka ka jira (EVC Plus, Zaad, Sahal, Edahab, iwm) oo ah kuwo centralized, Haddii laga dhigo decentralised—ka madax bannaan cid gaar ah—ma waxay noqon lahayd xal waara oo ka wanaagsan kan hadda jira?